Jubbaland oo soo bandhigtay waxyaabaha qarxa

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Miinooyin la sheegay in la dhigay goob kamid ah meelaha mararka qaar howlgallada ka fuliyaan Ciidamada ajubbaland.

Saraakiisha Ciidanka JISA we Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in Miinooyinka oo laba ahaa la dhigay meel Wabiga jiinkiisa ah degaanka Yoontooy oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo,isla markaana ay hayeen xogta qaraxyada.

Saraakiisha ma sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalka ay miinooyinkaas kusoo gaareen,hayeeshee ay sheegeen inay dadka Shacabka ku dhibaateyn rabeen Al-Shabaab balse ay ka badbaadiyeen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Laba todobaad ka hor ayay aheyd markii sidaan oo ay  kale Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland soo bandhigeen miinooyin kuwa dhulka lagu Aaso ah oo ay sheegeen in lala damacsanaa in weeraro lagu fuliyo.