Chelsea ayaa waxaa niyadjab weyn ku ahisbuucaan, ka dib markii dhaawac kale uu soo gaaray kabtan John Terry uoo la filayay inuu ciyaro kulanka Manchester United.
Daafaca 35-sano jirka ah waxaa soo gaaray dhaawac kulankii 2-2 ay la gashay kooxdisa Swansea City bishii la soo dhaafay waxaana uu seegay seddex kulan oo horyaalka ah, iyo sidoo kale uu ka maqnaa safarkii Leicester City ee koobka EFL Cup-ka.
maqnaanshaha Terry ayaa sabab u aheyd in Chelsea guuldarrokala kulanto kooxaha ay xafiiltamaan ee Arsenal iyo Liverpool, laakiin Antonio Conte kooxdiisa aayaa rajeyneysay in ay dib usoo dhaweyso Terry.
Si kastaba ha ahaatee, Terry ayaa soo laabtay waxaa la filayay inuu safto kulanka Manchester United ee axada, laakiin The Times ayaa sheegeysa in kabtankii hore ee England Dhaawac kale oo canqowga ah uu soo gaaray.


