John Kerry oo booqanaya dalka Kenya

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa lagu wadaa in bishan gudaheeda uu booqdo dalka Kenya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay madaxtooyada Kenya.

Manoah Esipisu ayaa sheegay, in John Kerry uu wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda Aamino Maxamed, wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saari doonaan colaadda Koonfurta Sudan iyo xaaladda Somaliya.

Booqasho uu sannadkii hore Mr. Kerry ku yimid Kenya ayuu madaxweyne Kenyatta ku boorriyey in aysan xirin xerada qaxootiga Dhadhaab oo xukuumadda Nairobi ay ku adkeysatay in ay xiri doonto.

Mareykanka ayaa sidoo kale si weyn uga walaacsan khilaafka ka taagan Koonfurta Sudan, iyadoo lagu wado in uu John Kerry ku cadaadiyo hoggaamiyeyaasha dalkaas in ay heshiis ka gaaraan khilaafka.