Joao Mario oo ka tagay Inter Milan kuna biiray koox ka dhisan horyaalka Premier League

Kooxda kubadda cagta West Ham United ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga xulka qaranka Portugal ee Joao Mario.

Waxa ay ciyaaryahankan Joao Mario heshiis amaah illaa dhammaadka xilli ciyaareedka uga soo qaateen kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

25-sano jirkaan ayaa 31 kulan u saftay xulka ku guuleystay Euro 2016 ee Portugal, waxaana la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeyey ciyaaro marka bilowga todobaadka kooxdiisu la ciyaari doonto Wigan Athletic tartanka FA Cup.

Mario ayaa u soo saftay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda, inkastoo uu markii hore diiday firkadda uu ugu biirayo West Ham haddana hadda kooxda Hammers ayaa xaqiijisay saxiixiisa amaahda ah.