Itoobiya oo Xaqiijisay in loo soo dhiibay Qalbi Dhagax

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo 23-kii bishan lagu qabtay degaanada Galmudug.

Wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda itoobiya Dr. NEGERI Lencho, ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay C/kariin Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijiyay in Itoobiya loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, ninkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” waxaa sidaas yiri Dr. Negeri Lencho.

Ehelada Muwaadinka Dowladda Itoobiya gacanta loo galiyay oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin ficilka Dowladda Soomaaliya ay ku kacday.

Xidhibaanada kala ah Mahad Maxamed Salaad, Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Axmed Macalin Fiqi oo barahooda Facebooka arrintan uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen Dowladda in ay ku dhaqaaqday ficil aan wanaagsaneyn.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Jabhada ONLF ee ka dagaalanta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Itoobiya gacanta u gelisay C/kariin Qalbi Dhagax.

Wargeyska Ethiopian Observer oo warbixin ka qoray arrinta C/kariin Sheekh Muuse ayaa sheegay Sarkaal C/kariin Sheekh Muuse in Dowladda Itoobiya uu la dagaalamayay ilaa 1984-kii.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishan waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.