Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ahaa xaqiijisay in weeraryahanka Danny Ings oo u amaah ugu wareegay kooxda Southampton.
Reds ayaa shaacisay in xilli ciyaareedka soo aaddan uu amaah kaga ciyaari doono garoonka ST Mary’s isagoo si joogto ah ugu biiri doono marka la gaaro July 1-deeda, 2018.
Weeraryahanka reer England ayaa 2015 kasoo dhaqaaqay kooxda Burnley isagoo keliya Liverpool u saftay 25-kullan, waxaana uu gool u dhaliyay keliya afar jeer.
Dhaawacyo kasoo gaaray jilibka ayaa hoos u dhigtay bandhiggiisa, taasoo kalliftay in Macallin Jurgen Klopp uu is dhaafiyo 26-jirkan daqiiqadahii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga horyaalka England.