Hooyo & Carruurteeda oo dilay Aabihii Qoyska

labo Wiil iyo hooyadood oo si arxandarro ah tooreey ugu dilay Aabihii reerka, kadibna isaga baxsaday goobta.

Dilka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa la sheegay in uu sababay muran soo kala dhexgalay hooyada iyo aabaha reerka kadibna ay isugu tageen iyaga oo u adeegsaday dilka Tooreeyo.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu soo koriyay wiilasha dilay madaama xaaskiisu ay horey nin kale ugu dhashay.

Dhacdooyinkaan yaabka leh ayaa sanadkaan 2024 la curtay oo waxa ay noqdeen falal ku cusub Soomaalida dhexdeeda.

Hajir show