Gudoomiye Cusub oo loo doortay degmada Badhan

Axmed Maxamed Timir ayaa maanta  loo doortay duqa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi oo dhawaan Puntland ay kala soo wareegtay Somaliland.

Axmed ayaa helay 16 Cod halka  Maxamed Cabdulaadir Qaddaafi  uu heley 12 cod.

Golaha cusub ee deegaanka ee Badhan ayaa  ka kooban 28 qof waxaa ku jira 9 haween ah.

Puntland ayaa golahan maanta u dhistay degmada kadib muddo 7 sano ah oo golihii hore joogeen, balse waxaa jiray khilaaf maalmahan ka taagnaa dhismaha golaha.