Goormee la sameynaya Guddiga Doorashada Madaxweynaha?

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Sameeyaan guddi ka kooban Golaha Shacabka iyo sidoo kale Aqalka Sare, kuwaa soo ka shaqeyn doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigaan ayaa waxaa maanta lagu magacaabi doonaa kulanka golaha shacabka oo ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan xubno ka socdo Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in kulanka  barlamaanka  lagu dhisi doono  guddiga  qaban qaabada doorashadda madaxweynaha  Soomaaliya.

Guddigaan  ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso  iyo  ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah  ee la qabanaayo doorashadda madaxweynaha.