Farmaajo oo farriin u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio guterres, oo markii labaad dib loogu doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Soomaliya soo dhowaynayso inuu markale  Antonio guterres noqdo xoghayaha guud, sidoo kale na ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageerayso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu kamid yahay mas’uuliyiinta sarsare ee sida dhow ula Shaqeeya dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka hadlaa xaaladda Soomaaliya.