Faah faahin Shil Gaari oo ka dhacay Qardho

Qardho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaan hoostaga Magaalada Qardho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca xamuulka ah iyo midka Raaxada oo si xawaare ah ku socday, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 Qof oo kale, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaalada Qardho.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Qardho, halkaas oo lagu dabiibayo.

1e 2e 3e 4e 5e 3e