Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalkii ka socday gaalkacyo uu joogsaday.
Dagaalkan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ku dhimatay 9 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Dagaalka u dhaxeeyay labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena dadka halkaasi degan ay sameynayaan barakac.
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaalkan uu u dhaxeeyaya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalka, waxaana midba midka kale uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay.
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Bare ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.
Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalka uusan u dhexmarin labada Maamul balse uu u dhaxeeyay dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.
Xaalada Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa hada mid degan, maadaama Dagaalka hada uu hakad galay oo labadii dhinac ee Dagaalantay la kala qaaday.








