Dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxaana war kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in laga hortegay weerarkii Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka oo helay xogta Weerarka Al-Shabaab ee Dagmada Ceeldheer ayaa uga hortegay Nawaaxiga degaanka Haanta Cagadheere ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay dowladda.
Guutada 24aad Khaalid Bin Walid CXD & kuwa degaanka ayaa dagaal kooban ka dib la sheegay inay soo afjareen Xubnaha Al-Shabaab ee dooneysay iney weeraraan Ceeldheer
Taliye Guutada 24aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Warbaahinta Ciidamada u Xaqiijiyay in Al-Shabaab Jab culus la gaarsiiyay, isla markaana hadda uu socdo howlgal xoogan oo ay ku daba jiraan.



