Kismaayo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Calanley ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu bilowday xalay saacadu marka ay aheyd 11-kii Habeenimo, waxaana uu socday mudo 5 saacadood ah, iyadoo Dagaalkan uu u dhaxeeyay Ciimo ka wada tirsan Maamulka Jubbaland.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labadii dhinac ee Dagaalantay, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen Askari ilaalo u ah Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, kaas oo lagu eedeeyay in uu Bambo Gamceed Habeen ka hor ku tuuray Saldhig Ciidan.
Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo oo xalay Hawada ka maqneyd ayaa saakay waxaa la sheegayaa in ay dib u soo laabatay.
Weli Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland kama aysan hadlin Dagaalka dhexmaray Ciidamadan ka wada tirsan Maamulka Jubbaland.


