Duqeyn ka dhacday Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka fuliyeen degaan 7 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka duqeynta ayaa aheyd mid xooggan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la duqeeyay Saldhigga ay Al-Shabaab leeyihiin , inkastoo aan wararkaasi la xaqiijin.

Degaanka ay duqeynto ka dhacay ayaa ka mid ah degaanada maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallamaayeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka oo ku aadan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Agagaarka degmada Balcad.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net