Wasaaaradda difaaca Kenya dowladda ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay 6 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka ka dib heshiis dhexmaray labadda dowladood oo Muddo soo socday.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay in diyaaraddahaasi bilaha soo socda ay soo gaari doonaan dalka Kenya, islamarkaana ay ku howlgali doonaan Ciidanka Cirka dowladda Kenya.
Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.
Kenya waxa ay xustay in sababta ugu weyn ay tahay in diyaaraddahaasi ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa horay dowladda Kenya uga iibisay 12 ka mid ah diyaaraddaha dagaalka, oo xilliggaan ka howlgalla Saldhigga Ciidanka Cirka ee Moi.