Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Markale diyaarad ay kasoo qaaday Baydhabo tiro xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Risaala u sheegay in xildhibaanada looga yeeray Muqdisho.
Shalay tiro xildhibaano ah oo taageersanaa Shariif Xasan ayaa laga soo qaaday Baydhabo, waxaana ay soo gaareen Muqdisho,iyadoona qaarkood xaqiijiyay in ay Casuumaad ka heleen Madaxda Sare ee dalka.
Maxamed Mursal Sheekh Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Xildhibaanadii laga soo qaaday Shalay Baydhabo.
Kulankan oo la sheegay inuu ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo 17-ka bishan November ka dhaceysa magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada uu la kulmay Guddoomiye Mursal ay gaarayaan illaa 20 meeyo Xildhibaano, kuwaasoo ka soo horjeeda Shariif Xasan.


