Dil ka dhacay Gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Wararka laga helayo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafad ka tirsan degmadaas ay maleeshiyaad hubeysan ku dileen Nin Shacab ah oo ka mid ahaa qoysaska Xoolo dhaqatada ah.

Dilka qofka Shacabka ah ayaa waxaa uu ka dhacay xaafad lagu Magacaabo Tuulo Gaban oo ka tirsan degmada guriceel,waxaana la sheegay in maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka qofka Shacabka ah ay goobta ka baxsadeen.

Qof ku sugan degmada Guriceel ayaa u sheegay Idaacadda Risaala ee Muqdisho in Ninka Shacabka ah ee la dilay uu kasoo jeedo degmada Balanbal ee isla gobolka Galgaduud,isla markaana dilkiisa ay la xiriirto aanooyin qabiil oo horay u soo jiray.

Wararka ayaa waxaa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in degmada Guriceel ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka maleeshiyaadka hubeysan ay qofka Shacabka ah ugu geysteen degmadaas,waxaana weli dilkaasi ka hadlin Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale waxaa haatan degmada guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda  howlgallo ay wadaan Ciidamada ammaanka degmadaas, kuwaas oo baadi goob ugu jira dableydii dilka geysatay oo la sheegay inay baxsadeen.