Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada Ciidanka Booliska, taasi oo qeyb ka ah qorshaha hormarinta Ciidamada Booliska.
Wuxuu sheegay in ay kordhin doonaan Tababarada ay siinayaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay u dhameystiri doonaan dhammaan agabka ay ku howlgalaan Ciidamada.
Sidoo kale Gen. Saacid ayaa sheegay Booliska in ay yihiin Kabaha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed loo baahan yahay in ay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi bedelkeeda shacabka wuxuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada.
Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska ku ammaanay qaabka ay uga qeyb qaadanayaan sugidda amniga.
Dhowaan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Talyaaniga uu booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, wuxuuna balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska Ciidamada.



