DHAGEYSO: XFS oo ka hadashay sababaha kordhinaya weerarada Shabaab

Muqdisho-RisaalaFM- Maalmahan waxaa sii kordhaya weerarada ururka Al-Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah Shabaab, taasina ay jawaab u tahay in Shabaab ay xoogaa dhaq dhaqaaq ah sameeyaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay VOA ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay adkeynta Amniga, taasina aysan waxba u dhimeyn.

Qarax Gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Darbiga Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay 6 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 Qof in ka badan, Shabaab ayaa masuuliyadda weerarkan sheegtay.