Xildhibaan Saalax Axmed Caynte oo ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay arrinta la xiriirta mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Waxa uu sheegay kulan ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug in lagu go’aamiyay laalida Moshinka laga waday Guddoomiye Cali Gacal Casir.
Sidoo kale waxa uu sheegay Maamulka Galmudug in uu yahay maamul mar walba ka shaqeeya danaha shacabkiisa, loona baahneyn is qab qabsi iyo is jiid jiid.


