DHAGEYSO WAREYSI: Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka hor yimid go’aanka Guddiga X.KH

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aanka Guddiga xalinta Khilaafaadka ay ku amreen in Doorashooda dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku go’aamiyeen in dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland.