Sanaag-RisaalaFM- Maxkamadda Gobolka Sanaag ee Maamulka Soomaaliland ayaa xukun ku riday 4 Eedeysane oo Ciidamada Booliska Gobolka Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay ay ka soo qabteen Degmada, kuwaas oo shixnad Qamri ah soo gelinayay Gobolka.
Fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkamadda oo shalay dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka, Taliska Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadda.
Xukunka lagu riday Eedeysanayaasha ayaa waxa uu isugu jiray Xabsi sanado ah iyo lacago ganaax ah, sida ay ku dhawaaqeen Mas’uuliyiinta Maxkamadda.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag Muuse Maxamuud Jaamac ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday 4-ta Eedeysane.
Ugu dambeyntii shixnadii Qamriga aheyd oo gaareysay 160 dhalo ayaa waxaa lagu gubay meel fagaare ah.


