DHAGEYSO: SOMA oo xustay maalinta saxaafadda Aduunka “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka ee 3-da May oo Maanta oo kale loo dabaal dago.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, Waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta ka howlgala Muqdisho iyo Marti Sharaf kale.

Xoghayaha Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa u Hambalyeeyay Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ay diyaar u tahay mar walbo hormarinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta aysan ogolaan doonin in lagu Xad gudbo Saxafiyiinta isla markaana ay sharci ku difaacaya warbaahinta.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in Wasaarada Warfaafinta ay ka caawiyaan sidii Saxafiyiinta loo bari lahaa sharciyada.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Xeerka Saxaafada Soomaaliya.

3-da Bisha May ayaa waxaa la soo bandhigaa dhibaatooyinka loo geysto Saxaafadda aduunka gaar ahaan Saxaafada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha adduunka ugu halista badan ee uu wariye ka shaqeeyo.

 

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

1m 2m 3m 4m 5m 6m 7m

DSC_0770

8m 9m 10m 11m 12m 13m 14m 15m 16m

DSC_0696

17m 18m 19m