DHAGEYSO: Shacabka kunool Degaanka Leego Amar lagu soo rogay

Gudoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Shacabka kunool degaanka  Leego in aysan xilliyadda Habeenkii ah isticmaalikarin Gawaarida.

Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay in ay arintaasi u sameynayaan Sababo la xariira Ammaanka Shacabka kunool degaanka.

waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu dadka Shacabka ah uga digaayo in ay u dhawaadaan Xeryaha Ciidanka AMISOM Xilliyadda Habeenkii ah.

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay ka qabteen Gaari looga shakisan yahay in ay Shabaab leeyihiin ,islamarkaana ay baaritaan ku wadaan.

Maamulka degaanka Leego ayaa Weeraro kala duwan kala kulma dagaalyahanada Al-Shabaab.