Dhageyso:-Nin xaakiisa ku dilay deegaan ka tirsan Shabeellaha dhexe

Tuulo hoostagta degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu Magacaabo Caloolweyn ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii uu Haaweeney uu dilay Seygeeda.

Haweyneyda ayaa lasoo warinayaa in ay u haysay laba caruur ah, waxaana uu dilka yimid markii ay isfahan waa uu soo kala dhex galay,isl amrakaana sidoo kale uu ka maseeray.

Ninka xaaskiisa dilay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay,iyadoo ay ehelada gabadha ay aaseen Meydka Haweeneyda,sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugan goobta falka uu ka dhacay.

Mid kamida dadka ku nool Warshiikh ayaa Risaala Fm uga warbixiyay sida ay dhacdada ku dhacday.

Mid ka mid ah dadka ku nool degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sharaxaya sida ay wax u dhaceen.