Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo mudo Labo isbuuc ah Magaalada Muqdisho u joogay arrimo la xiriira Doorashooyinka ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
C/wali Gaas oo Garoonka Diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, Kan Gobolka iyo xubno kale ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha Doorashooyinka, Dilalkii ka dhacay Boosaaso iyo Abaaraha.
Waxa uu sheegay Doorashooyinka Soomaaliya meel wanaagsan in ay marayaan, maadaama inta badan la soo doortay xildhibaanada Labada Aqal, sidoo kalena la isku diyaarinayo Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada Labada Aqal ugu baaqay in ay soo doortaan Madax Soomaaliyeed, oo wanaagsan, si dalka looga saaro xaalada mugdiga ah ee uu hada ku jiro.
Ugu dambeyntii C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay dilalkii Magaalada Boosaaso dhowaan loogu geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana uu Ciidanka Ammaanka uu ugu baaqay in ay adkeeyaan amniga, si looga hortago weerarada mararka qaar dhaca.


