DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ka hadashay howgallada ka socda Baay iyo Bakool

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa AMISOM ay ka sameeyeen gobolada maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaarada hub ka dhigista iyo Maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Kuwa Koonfur Galbeed ay Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan ay duulaan ku qaadayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab ee hoos yimaada gobolada Baay iyo Bakool.

Dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howgalada wadda.