DHAGEYSO: Khaatuma oo eedeyn kulul u jeedisay Soomaaliland

Iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire uu beeniyay in uu heshiis dhexmaray Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maamulka Khaatuma.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatuma Abshir C/casiis Sheekh oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay nasiib daro in uu yahay hadalka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire.

Waxa uu sheegay hadalka ka soo yeeray Maamulka Soomaaliland gaar ahaan Sacad Cali Shire in uu yahay mid dhaawici karo, shirka Bisha Febraayo ee sanadka cusub furmaya, laguna dhameystirayo heshiiska labada dhinac, isagoo sidoo kale sheegay in fasiraad qaldan uu yahay warkan.

Maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma ayaa bilooyinkii u dambeeyay heshiiskooda waxa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn, inkastoo labada dhinac ay wadaan dadaalo ay ku heshiinayaan.