Hobyo-RisaalaFM- Ciidanka Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay Howgal ka sameeyeen Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana Howlgalkan lagu xaqiijinayay amniga Degaanada Gobolka Mudug.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan, kuwaasi oo u badan Dhalinyaro, waxaana looga shakiyay in ay ku jiraan Ragga falalka amni daro mararka qaar ka geysta Gobolkaasi.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda ee Maamulka Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in Howlgalkan lagu soo qab qabtay dad gaaraya 70 Qof, kuwaasi oo hada lagu haayo baaritaano.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo Maxamed Muxudiin Saxan-saxo ayaa waxa uu qadka Telefoonka ugu waramay Maxamed Abuukar Dabaashe.


