DHAGEYSO: Galmudug oo Faahfaahisay Iscasilaadii Madaxweyne Guuleed

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay iscasilaadii uu Maanta ku dhawaaqay Madaxweynihii Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxaa uu sheegay in ay ka aqbaleen iscasilaada Madaxweynaha Galmdudug , islamarkaana ay sii wadi doonaan howlaha Galmudug tan iyo inta laga dooranaayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shacabka kunool degaanada Galmudug looga baahan yahay in ay isdejiyaan , islamarkaana ay shaqooyinka Galmudug ay ku socon doonaan si wanaagsan.

Madaxweynihii Dowlad Gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa.