Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sheegay in weli Maamulka Gobolka Banaadir uu wado qorshaha uu uga hortagayo Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka.
Waxaa uu sheegay in Maamulka uu bilaabayo qorshaha wacyigelinta iyo ka hortagga COVID-19, isla markaana weli uu yahay qatar ka jirta dalka ayna mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir doorweyn ka qaadan doonaan ka hortagga cudurka.
Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu hoos u dhacayay kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraadii ka dhashay cudurka.



