DHAGEYSO: Dowlada federaalka Soomaaliya oo codsi loo diray

Siyaasi Xuseen Cali Xaashi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Dalka ayaa sheegay in abaaro ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay dadka ku nool deegaanada Galmudug ay dhibaateysan yihiin islamarkaana ay u baahan yihiin gargaar.

Siyaasi Xuseen Cali Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in ay wanaagsan tahay in loo gurmado shacabka ku dhibaateysan deegaanada Galmudug, oo uu sheegay in ay heysato xaalad beni aadanimo

Deegaano badan oo ka tirsan gobolada dalka ayaa waxaa ka jiro abaaro daran, waxaana ugu daran deegaanada Puntland, Somaliland iyo gobolada dhexe.