DHAGEYSO: Cali Khaliif oo baaq u diray Biixi

Hargeysa-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland ugu baaqay inuu fuliyo heshiisyadii ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la fuliyo heshiiska islamarkaana dhaqan gelintiisa si wadajir ah looga shaqeeyo.

Sidoo kale Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu tilmaamay in Somaliland-ta cusub ay tahay mid aan loo dhameyn loona baahan yahay in la sameeyo Cadaalad iyo sinnaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Xasiloonida degaanada Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in heshiisku uu yahay mid muhiim ah oo sahlaya midnimada siyaasiyiinta Maamulka Somaliland.