DHAGEYSO: Axmed Madoobe ” Ciidamadu daryeel ma helaan”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ku sugan degaanada maamulka Jubbaland daryeelkii ay u baahnaadeen in aysan ka helin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay cabasho xooggan ka muujinayaan daryeel xumida ciidamada dowladda.

Mudane Axmed Madoobe ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay xil iska saarto ilaalinta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in jubbaland hadda ay qaadanayso kaalintii dowladda Soomaaliya.