DHAGEYSO: Ansixintii Golaha Wasiirada Soomaaliya

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Ansixiyay Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Kulanka Baarlamaanka ee xukuumadda lagu Ansixiyay ayaa waxaa joogay 241 xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacantaag ah ku Ansixiyay Xukuumadda .

224 Xildhibaan Ogolaatay  golaha Wasiirada waxaa diiday 15 ,2 ayaa ka aamustay sida uu shaaciyay guddoonka Baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuday ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay tahay Ansax, islamarkaana uu dhaariyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.