DHAGEYSO: Amaanka Kenya oo aad loo adkeeyay

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa cabsi ka qabta in Al-shabaab ay markale weeraro ka geystaan Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka kenya, kadib markii shalay weerar khasaare geystay uu ka dhacay Mandheera, kaas oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Shabaab.

Amaanka guud ee wadada isku xirta Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer ayaa si wayn loo adkeeyay si loogaga hortago weeraro ay Al-shabaab la beegsadaan dadka aan u dhalan Deegaanka.

Abaanduulaha Ciidanka Booliska ee Degmada Mandheera, Job Boronjo, ayaa sheegay in Ciidamo Boliis ah oo badan loo daad gureeyay goobaha muhiimka ah ee wadadaasi.

Waxuu sheegay in Ciidamadaasi ay gaaf wareegi doonaan aaga wadada iyadoo tiro Ciidamo ah lagu balaarin doono wadadaasi si sare loogu qaado Amaankeeda.

In ka badan 300 oo Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayuu shegay in loo daad gurayn doono Deegaankaasi laba bilood gudahood si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.