Al-Shabaab ayaa saakay waaberigii hore waxaa ay sinabad ah kula wareegeen tuulada Xawaadleey ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe u jirta 20km halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad.
Mas’uuliyiinta Maamulka deegaanka Xawaadley ayaa waxaa ay sheegeen in Shabaab ay deegaanka galeen, iyada oo aan ka dhicin wax dagaal ah, sidoo kalena dib uga baxeen.
Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley Cabdulle Macaan Adeer oo la hadlay risaala ayaa sheegay in Shabaab ay deegaanka mudo saacado ah ku sugnaayeen,isla markaana ay dib ugu laabteen.
Waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in wax dagaal ah aysan ka dhicin deegaanka Xawaadley,waxaana uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka ay sicaadi ah u joogeen tuulada Xawaadla oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan Milletriga Soomaaliya kasoo baxeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo mushaar la’aan ka cabanayay, hayeeshee waxaan jirin deegaano sirasmai ah ay Al-Shabaab ula wareegeen.



