DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir gaar ahaan Agagaarka xaafada Seybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku Qarxay Gaari lagu soo xiray Walxaha Qarxa.

Qaraxan ayaa la sheegay in si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay sida Dadka Deegaanka ay Risaala u sheegeen.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare kala duwan inkastoo weli aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha.

Gawaariada Dab damiska ayaa gaaray goobta uu ku Qarxay Gaariga, waxaana ay wadaan dadaalo lagu daminayo Gaariga halkaasi ku Qarxay.

Faah Faah Goor dhow kala soco Radiorisaala.com