Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Ruuxa la sheegay in Qaraxa fuliyay xilli dad badan oo shacab ah ay goobta fadhiyeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Risaala in Qaraxa uu ka dhacay Maqaayad ay fadhiistaan dad badan oo ah kuwo isticmaala qaadka.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa, Ciidamada Ammaanka ayaa xiray Goobta, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaris hor dhac ah.