Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa goor dhow ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay  Wadada 21-October Gaar ahaan Meel u dhow dhabaha laga galo Garoonka Muqdisho.

Waxaa laga maqlay jugta Qaraxa inta badan degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Wali lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net