Dagaal culus oo ka socda Degaanka Daynuunay

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Daynuunay.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana ay sheegeen in hadda u socdo dagaal xooggan oo ay kula jiraan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe dib looga saaray degaankaasi.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab.

Weerarkan, ayaa noqonaya midkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku soo qaadaan Daynuunay billihii ugu dambeeyay.