Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dagaaal kula wareegeen degmadaas.
Weerar culus oo dhowr jiho ah ayay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad, waxaana dagaal kooban oo ka dhacay degmadaas ay suurto gashay inay Al-Shabaab la wareegeen inta badan 5-ta Xaafadood ee degmada Balcad.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hoobiye uu ku dhacay Guri ku yaalla Xaafada Waaberi Star, isla markaana ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah, welina rasaas laga maqlayo degmada Balcad.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



