Darawalada Gaadiidka Takaasida ee Boosaaso oo Shaqa joojin sameeyay

Qaar kamid aha wadayaaaha Gaadiidka Takaasida ee ka Shaqeeya Magaalada Boosaaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin, kuwaas oo sameeyay isku soo bax kooban.

Qaar kamid aha darawalada Gaadiidka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sababta Shaqa jooninta waxaa ay ku sheegeen shidaalka oo qaaliyoobay iyo khidmad lacageed oo ay ka qaaddo shirkadda Dhoweeye.

Maamulka Magaalada Boosaaso iyo Madaxda Maamulka Puntland ayay ugu baaqeen inay soo farageliyaan arrintaasi, isla markaana ay wax ka qabtaan.

Sidoo kale darawalada waxaa ay sheegee  i ay Shaqa jooninta sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xslinaayo cabashadooda ku aadan waxka qabashada Shidaalka oo qaaliyoobay iyo lacagta ay ka qaado Shirkadda Takaasida Dhaweeye.

Dhowr jeer ayaa Gaadiidleyda ka howgall la Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joonin walow markii dambe ay Shaqada bilaabeen markii la xaliyay waxyaabihii ay ka cabanayeen.