Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka socda deeganka Beer-xaano oo dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerareen degaanka Beer-xaano ,kadib markii ay ka warheleen inay isku aruursanayeen deegaanka Beer-xaano.
Saraakiil katirsan Ciidamada dib u xoreynta ayaa sheegay inay dagaalka khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalka, waxaana degaanka gaaray Ciidan gurmad ah oo Beledweyne ka baxay isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



