Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maanta maxkamad la horgeeyay saddex ruux oo midi ay dumar tahay oo loosoo qabtay fal lagu dilay Sufyaan oo ahaa canug yar oo shan sano jir ah.
Waxa uu sheegay taliyaha in sadexdaan ruux laga soo qabtay xaafadda juungal ee degmada Yaaqshiid taasi oo xalay saqdii dhaxe ciidamada booliska oo hawlgal sameynayaan ay ku arkeen meydka canuga yar oo gaari dhexyaala inta kadib markii ay raadka daba kaceena ay uso qabteen sadexdaasi ruux.
Waxa uu beeniyay taliyaha in canuga yar ee ladilay in kilyaha lagala baxay balse wararka aan helnay ayaa sheegaya in labada nindhood laga bixiyay Cunugaasi yar.
Dhanka kale taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad loo soo qabtay gabadh yar oo Iskuuley ah oo lagu dhex dilay gaarigii Iskuulka oo ay saarneyd taasoo lagu Magacaabi jiray Deeqo.



