Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay Soomaaliya u soo dirtay ciidamo hor leh ,kuwaa soo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamo horay uga tirsanaa Ciidanka xoogga dalka Uganda oo muddo bilooyin ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda ayaa loo soo diray Soomaaliya, waxaana ay Saaka soo gaareen Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa waxa ay badali doonaan Guuto ka tirsan Ciidamada dowladda Uganda ee Joogga Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa waxa ay ilaalin doonaan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho , Dekedda , Xarunta Madaxtooyadda iyo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaana Soomaaliya ka joogga Ciidamo badan.
Ciidamada dowladda Uganda ayaa Weeraro joogta ah kala kulma Ururka Al-Shabaab.



