Booliska Cadaado oo soo saaray amaro la xiriira amniga

Taliska Ciidamada Booliiska Saldhigga Magaalada  Cadaado ee Gobolka Galgaduud  ayaa soo saaray amaro la xiriira dhanka amniga, kaas oo ku socda dhamaan Shacabka ku nool Magaalada gaar ahaan milkiilayaasha Gaadiidka iyo Goobaha Gancsiga.

Amar kasoo baxay Taliye kuxigeenka Saldhiga Booliska Degmada Cadaado laba Xidigle Cabdullahi Cabdi Daahir  ayaa lagu amray  Milkiilayaasha leh gawaarida ay ku xiran yihiin beensalka ama Muraayadaha madow inay iska diiwaan galiyaan saldhigga degmada Cadaado.

“Dhamaan waxa la farayaa Gaadiidka isticmaala muraayadaha madow ee kuwa raaxada ah iyo kuwa dadweynaha ee Bii’elka inay yimaadaan saldhiga Booliska Cadaado si loo hubiyo, ujeedkuna waxa uu yahay adkeynta amniga ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay booliska Cadaado.

Sidoo kale waxaa laga digay in hub si sharci darro ah lagu dhex wato gudaha Magaalada Cadaado, waxana lagu amray milkiilayaasha Hoteelada , Goobaha Ganacsiga inay hubkooda kasoo diiwangeliyaan Saldhiga Booliska Cadaado.

 “ Waxaa la farayaa Milkilayaasha hoteelada, Hay’adaha & Ganacsiga gaarka  loo leeyahay in inay yimaadaan Saldhiga Booliska Magaalada Cadaado muddo saddex Maalin gudahood ah si loo hubiyo loona sharciyeeyo hubkooda ayaa lagu yiri” Amar kasoo baxay Booliska Cadaado.

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud, waxana ku sugan Ciidamo isugu jira, Millateri Boolis & Nabadsugid, kuwaas oo amniga ilaaliya.