Bellerin oo sharaxay farqiga u dhaxeeya tababarka kooxaha Barcelona iyo Arsenal

Hector Bellerin ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya kooxaha Arsenal iyo Barcelona hab tababarka ka dib markii uu Gunners ku biiray.

Daafaca dambeedka midig ayaa ka tagay Catalonia kuna biiray Waqooyiga London xili uu ahaa 16 jir sannadkii 2011.

22-sano jirkaan ayaa tan iyo markaas noqday ciyaartooyda ugu wanaagsan Premier League, waxaana uu soo galay lin up-ka caalamiga ah ee xulka Spain.

Laakiin ka dib markii uu ku biiray bilowga xirfadiisa Bellerin kooxda Barcelona, wuxuu su’aal ka keenay sidii uu ahaa hamigiisa Barca iyo inuu u dhaqaaqay Arsenal.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inuu u baahnaa tababarka jirka ah markii uu tagayay Gunners.

‘Waxaan ahaa mid neef u baahnaa tababarkii ugu horeeyay ee Arsenal, “ayuu u sheegay website-ka Arsenal.

Waxaan u malaynayaa inaan helay wax badan oo aan u baahnaa, Tani ma aha wax qof walba ku dheeran karay.

“markii aan joogay Barcelona wax walba iyo xitaa waxqabad kasta oo jirka ah wuxuu ahaa mid u baahnaa koritaan ayuu hadalkiisa ku daray.