Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda 2020/21, iyadoo aan muddo kororsi dhicin.
Waxay soo jeediyeen qodobadan:
•Ixtiraamka Dastuurka
•Hubinta in doorashooyinka federaalka la qabto waqtigii loogu talagalay dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021, iyada oo aan muddo kordhin loo samayn xukuumadda iyo Baarlamaanka.
•Hubinta matalaad caddaalad ah dhammaan bulshooyinka Soomaaliyeed;
•U soo bandhigidda dadka Soomaaliyeed fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilkooda/metelehooda/Xildhibaankooda iyadoo la marayo hannaanka “hal qof, hal cod”;
•Hubinta doorka xisbiyada siyaasadeed ee doorashooyinka;
•Hubinta Qoondada Haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah ee matalaadda Barlamaanka Federaalka;
•In la fududeeyo ka qeybgal ballaadhan ee suuragalikara, oo ay ku jiraan Barakacayaasha, iyo
•In la ixtiraamo waajibaadka Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.



